Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Madaxtooyada Somalia


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayuu madaxweynaha ku yiri “Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday”.

Fahad Yaasiin ayaa beddelaya agaasimihii hore ee madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo xilkaas hayey wax ka yar 3 bilood.

XS
SM
MD
LG