Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ku Dhacday Garoonka Aadan Cadde


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Diyaarad yar oo ay la socdeen afar qof ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay soo kiraysatay shirkad kala shaqaysa dhinaca amniga iyo gargaarka ciidamada AMISOM.

Dhammaan afartii qof ee la socday diyaaradda ayaa la sheegay in la badbaadiyey, waxaana isla goobta diyaaradda ku dhacday markiiba gaaray shaqaalaha dab damiska ee garoonka Muqdisho.

Shilkan ayaa la sheegay inuu muddo hakiyey duulimaadyadii kasoo degayey iyo kuwa ka dhoofayey garoonka diyaaradaha.

Diyaaraddan weli ma cadda garoonka ay kasoo kicitintay, sidoo kale ma cadda waxa sababay shilka inkastoo warar horudhac ah sheegayaan in diyaaradda ay ku timid cillad farsamo.

Cabdixakiim Maxamed Shirwac ayaa shilkan sida uu u dhacay ka waraystay Axmed Macallim Xasan oo ah maareeyaha maridda hawada ee Hay’adda saadaasha hawada Soomaaliya.

Diyaarad ku dhacday Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:54 0:00

XS
SM
MD
LG