Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.
Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa xafladdan caleema saarka uga waramay weriye Ibrahim Xassan Dandurey oo Washington jooga.