Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo labadeeda gabdhood oo Tobonaan sano kasoo shaqeeyey gargaarka Somalia, iyada oo xaruun ay daganyihiin boqolaal barakacayaal ah ka furtey banaanka Muqdisho, ayaa ka heshey shahaado Sharafeed mid ka mid ah jaamacadaha ugu sareeyo Caalamka ee ku taalo Mareykanka.
Jaamacadda Harvard ayaa shahaado sharaftan ku aqoonsatey waxqabadkii Xaawo Cabdi iyo 9 qof oo kale oo ku guuleystey kuwaasoo uu ku jiro aasaasaha barta Facebook, Mark Zuckerberg, jilaayaal, Dhaqaatiir iyo dad u ololeeyo arrimaha samafalka.