Maxakamadda militariga Puntland ayaa 19 ruux ku riddey xukunno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi kala geddisan.
Shan ruux ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in ay ku qanacday danbiga lagu soo eedeeyey ee ahaa in ay maleegayeen qorshe ballaaran oo ay ku doonayeen in ay qaraxyo kufuzliyaan imago lala soo qabtay qalabki loogu talagaley qaraxyadaas.
Maxkamadda ayaa saddex ruux ku xukuntay min hal sano oo xarig ah, halka labo kalena ay ku midday min 3 sano oo xabsi ah.
Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay sagaal qof oo lix kamid ah ay ku eedeeysnaayeen in ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish. Gudoomiyaha maxkamadda militariga Puntland, Kornayl Cabdifitaax Xaaji Aadaan oo VOA u warramay ayaa sheegay in go-aannadan ay soo bexeen maanta oo Sabti ah.
Gudoomiyaha ayaa gaashaanka u duruurey eedeymo loo soo jeediyey oo ku aaddanaa in maxkamadda malitarigu ay qaaddo dacwado loogu talagaley maxkamadaha rayidka iyo in ay xukunadda daddajiyaan. Kornayl Cabdifitaax ayaa VOA-da u sheegay in ay waqti ku filan siiyaan eedeysanayaasha, halka uu ku adkeystey in uu dastuurku u ogolaanayo in ay maxkamad malitari ay qaado dacwadaha ka dhanka ah argagaxisada.