Dawladda Maraykanka ayaa dad kale oo hor leh oo laga tarxiilay Mareykanka ku celisay magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya.
Dadkaan ayaa la sheegay inay tiradoodu ka badan tahay 50 qof. Dadka ay ilaa sannadkan dawladda Maraykanka soo taxriishay ayaa noqonaya ilaa 270 qof.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa goor dhowayd waraysatay qaar ka mid ah dadka maanta lasoo celiyey oo kala ah Samiir Cabdiraxmaan Carab iyo Salmaan Maxamed Ducaale, waxaa ku horraynaya Samiir.
Sidoo kale, safirika Soomaaliya ee dalka Maraykanka ayaa sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha ay dhalinyaradan la tarxiilay tabanayaan. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayuu u warramay.