Roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaannada Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.
Haddaba weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac oo kugan togga Durdur oo magaalada Boosaaso u jira 90 KM ayaa khadka telefoonka ugu warantay Ismaaciil Xuseen Farjar.