Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Italian Cofee oo ku dheggan Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadah.

Weriyahaya VOA oo goobta booqday ayaa sheegay inuu arkay maydadka ugu yaraan saddex qof oo ku dhintay qaraxa. Warar kale oo laga helaya goobjoogayaal ayaa sheegaya in ilaa 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maqaayadda ayaa u dhow Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la siman hoteelka Raaso una dhow waddada Maka Al-Mukarrama.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu sababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay maqaayadda horteeda.

Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka bato. Waxaa goobta qaraxa gaadhay saraakiisha gurmadka caafimaadka, waxaana goobjoogayaashu sheegeen inay gubteen dhowr baabuur oo holcayey.

Dhinnaca kalena ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose maanta kadib markii baabuurkii ay la socdeen lala beegsaday walxaha qarxa.

Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo xarunta Villa Somalia ay ka socdaan shirar ku saabsan amniga qaranka kadib markii madaxweynuhu uu maanta booqday gobolka Shabeellaha Hoose.

Weriyaheena Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa ka warramaya

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00

XS
SM
MD
LG