Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaf oo loo Doortay Madaxweynaha Galmudug


Xaaf
Xaaf

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta madaxweynaha maamulkaasi u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ah ganacsade xildhibaan ka soo noqday baarlamaanadii hore ee Somalia ee 16-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Xubnihii Baarlamanka Galmudug ee maanta codeeyay ee 89-ka ahaa ayaa Mr. Xaaf waxa uu wareegii 2-aad kaga guuleystay 54 cod, Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay 34 cod, halka hal codna uu xumaaday.

Doorashada ka dib ayaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf lagu hor dhaariyay xildhibaanada, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qabanayo howsha weyn ee hortaalla maamulkiisa oo ay ka mid tahay dib u heshiisiinta.

Doorashada ayaa ku dhacday jawi xasillan, iyadoo murashixii laga guuleystay ee Axmed Cali Hilowlana uu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, una ballan qaaday inuu la shaqeeynayo.

Warbixintan waxaa Cadaado kasoo diray weriyaheena Cabdi Waaxid Macallin Isxaaq.

Xaaf oo loo doortay madaxweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00

XS
SM
MD
LG