Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minneapolis: Nin Sheegtay In uu Shareecada Dhaqan Gelinayo


Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa waxaa ka jira nin sheegtey in uu dadka kala taliya xumaha, balse ay bulshada iyo hoggaanka Muslimiinta ah, qaasatan Soomaalidu u arkaan khatar hor-leh oo soo food-saartey Soomaalida.

Cabdul Rashiid waa 22 jir caddaan ah oo ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed, waxaana uu isaga oo labis gaar ah oo muujinaya calaamad sheegashadiisa la xariirta oo ku wareegaa xaafadda Cedar ee ay Soomaalidu ku badan tahay.

Cabdul Rashiid ayaa sidoo kale la sheegay in uu ciwaan ka dhigtey masjidka Imaamu Shaafici ee isla xaafaddaas, isaga oo aan idan ka haysan maamulka, waxna aan ka ogeysiin.

Dhanka kale, eedda loo soo jeediyay Cabdul Rashiid waxa beenisay afadiisa Khadro Cabdillaahi. Qeybtan hoose ka dhageyso wareyso arrimahaasi ku saabsan.

Dhageyso Nin Sheegtay in uu Minneapolis Ka Dhaqan Galinayo Shareecada
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:28 0:00

XS
SM
MD
LG