Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo Laba Sano u Qabsaday Al-Shabaab


Farmaajo iyo Kheyre
Farmaajo iyo Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farnmaajo ayaa sheegay in muddo laba sano gudahood ah ay dowladdiisu Al-Shabaab kaga xureyn doonto dhamaan meelaha ay haatan kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayna ka hirgelin doonaan maamullo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, munaasabadaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo dhawaan uu u qabtay maleeshiyada Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan dowladda muddo 60 maalmood ah, kuna dhawaaqay in dalku uu galay xaalad dagaal.

Wixii ka dambeeyay waqtigaas Al-Shabaab ayaa qaraxyo dhowr ah ka fulisay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00

XS
SM
MD
LG