Howlgal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay sameeyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa lagu soo qabtay afar ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Qoryooley Cabdi Axmed Cali oo VOA la hadlay ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka lasoo qabtay ay yihiin horjoogeyaal.
Cabdi Axmed Cali ayaa sheegay in dadkaas lagu qabtay howl-gal qorsheysnaa oo ay qaadeen laba malamood ka hor. Waxa uu sheegay in qof ka mid ahaa Shabaabka uu sidoo kale ku dhintay howlgalka.
Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrintan ka wareystay guddoomiye ku xigeenka maamulka Qoryooley Cabdi Axmed Cali.