WASHINGTON. DC —
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa kasii darayey dhowrki maalmood ee lasoo dhaafay tan iyo marki dowladan cusub ay talada la wareegtey.
In ka badan shan qarax ayaa ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho afarti maalmood ee lasoo dhaafay. Qaraxyada ayaa kusoo beegmay waxyar kadib marki uu madaxweyne Farmaajo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al Shabab.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa walaac ka muujinaya xaaladaha amnidarro ee sii kordhaya.
Wariyaha VOA-da Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ka diyaarisay.