Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Lagu Dilay Askar oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu weerar ku qaaday xero milatariga lagu tababaro, oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo askar badan ay ku dhinteen.

Qaar ka mid ah ciidamada oo la hadlay VOA ayaa sheegay in in ka badan shan askari ay ku dhinteen qaraxa, oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee warshaddii hore ee Nacnaca.

Askarta dhimatay ayaa waxaa ku jira saraakiil sare, oo mid ay haweeney tahay. Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr askari oo kale.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof ku labisnaa dareeska ciidamada milatariga.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa VOA u sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen laba qof.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid uu ka badbaaday qarax baabuur oo ismiidaamin ahaa, kaasi oo lagu dilay 15 qof.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:13 0:00

XS
SM
MD
LG