Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Ka Hadashay Duqeyntii Lagu Dilay Tahriibayaasha ee Yemen


Iyadoo waaliddiinta dhalay qaar ka mid ah dadkii ku dhintay duqayntii bishii hore doontii ay saarnaayeen dadka Soomaalida ahi ee badda Yemen ay dalbanayaan in maydadka ubadkooda loo soo celiyo, ayaa xukuumadda Soomaaliland maanta ka hadashay tirada dadka ka soo jeeda gobollada Soomaaliland ee duqeyntaasi ku dhimatay iyo tallaabada ay illaa iyo hadda qaadeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in ay wasiirka arrimaha dibadda Yemen arrintaasi kala hadleen.

Wareysi Dadkii ku Dhintay Duqeynti Yemen
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00

XS
SM
MD
LG