Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF: Waxba Iskama Beddelin Heshiiskii Duulimaadyada


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waxba aysan iska beddelin heshiis ay horey ula gashay dowladda Kenya oo ku saabsan in diyaaradaha ka dhoofaya garoonka Muqdisho ay toos u tagaan Nairobi, oo aysan marin magaalada Wajeer.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay labo diyaaradood oo u socday Nairobi ay sii mareen Wajeer, intii ay toos uga aadi lahaayeen Nairobi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baaris ay dowladda sameysay lagu ogaaday in sababta labada diyaarad loo marsiiyey Wajeer ay aheyd cilad farsamo oo la xiriirta xiriirka Saadaasha Hawada iyo ruqsada duulimaadka, balse haba yaraatee aysan wax lug ah ku laheyn heshiisyadii Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee ku aadanaa in diyaaradahu ay si toos ah u aadayaan Nairobi.

Dowladda ayaa sheegtay inay xoogga saari doonto in shirkadaha diyaaradaha ay hubiyaan, ka hor inta aysan ka duulin gegida diyaaradaha Muqdisho, inay heystaan fasixii iyo dokumentigii aasaaska u ahaa duulimaadkooda, si aysan u dhicin inay maraan Wajeer.

XS
SM
MD
LG