Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Qarax
Qarax

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku geeriyootay, toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo suxufiyiin.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in baabuurka oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey la dhigay banaanka baar dhowaan la furay oo shaaha laga cabo, kana soo horjeeda wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, oo aan sidaas uga fogeyn wasaaradda Amniga Gudaha.

Suxufi goor sii horreysay oo maanta ah booqday baarka ayaa sheegay inay dad ka buuxeen baarka xilliga qaraxa uu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo noocan oo kale ah horey uga fulisay Muqdisho.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:49 0:00

XS
SM
MD
LG