Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michael Keating oo Booqasho ku Tagey Hargeysa


Michael Keating. Photo Courtsey of UN
Michael Keating. Photo Courtsey of UN

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ku tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo.

Ergayga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu yahay sidii loo ballaadhin lahaa kaalinta ay Qaramada Midoobay ku leedahay taakulada dadka abaartu waxyeellaysay ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Keating iyo madaxweyne Siilaanyo ay sidoo kale ka hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta Somaliland iyo QM.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Hargeysa.

Keating oo booqday Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

XS
SM
MD
LG