Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Qabsaday Ceelbuur


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta qabsaday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo VOA u hadlay ayaa sheegay inaysan garaneyn sababta ay ciidamada Ethiopia uga baxeen magaalada.

Nuur Xasan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan bixitaanka ciidamada Ethiopia, oo uu ku eedeeyey in intii ay magaalada joogeen ay wadeen xadgudubyo iyo dilal ka dhan ah shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shababa ee maanta qabsaday magaalada ay lasoo galeen qaar ka mid ah shacabkii horey uga qaxay magaalada ee raacay Shabaabkii ka baxay.

Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu hadda ku guda jiro iskuna diyaarinayo inuu magaalada dib u qabsado.

Wariyeheenna Jacfar Kukay ayaa arrintan ka wareystay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Al-Shabaab oo qabsaday Ceelbuur
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG