Warar ka imaanaya magaaladda muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubeysan oo wadatay gaari ay rasaaseeyeen baabuur ay la socdeen shaqaale ka tirsan wasaarada maaliyadda meel ku dhow saldhiga Wardhiigley ee magaladda muqdisho, kaddibna halkaa ka baxsadeen dablaydii weerarka gaysatay.
Hal ruux oo ahaa darawalka Gaariga ayaa geeriyooday, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, sida ay dad goob joogayaal ah u xaqiijiyen idaacadda V O A.
Dhinaca kale qarax ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay degmada Deynile ee magaalada Muqdishu, waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi lala beegsaday baabuur ay lahaayeen ciidamada dawladda. Khasaare ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qaraxaasi oo ka dhashay walxaha qarxa oo lagu aasay waddada dhinaceeda.