Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa arbacadii ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
224 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa ogolaaday xukuumadda, waxaana diiday 15 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan.
Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa sida loo arko ansixinta golaha wasiirada iyo waxa laga filayo wasiirada cusub. Waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.