Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay inta u dhexeysa Xarunta tiyaatarka Qaranka iyo Guriga hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda ma cadda bartilmaameedka weerarkan, hase yeeshee waxaa meesha ku yaalla bar laga galo madaxtooyada Soomaaliya, dhinaca kalena waxaa ka saaran dhisme weyn oo ay ku yaallaan xarumaha warbaahin badan oo Idaacado iyo TV-yaba isugu jira.
Inkastoo ilaa iyo hadda aanan si rasmi ah loo ogeyn haddana warar ay VOA-du heleyso waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu sababay dhimashada ugu yaraan 10 ruux iyo dhaawaca dad intaasi ka badan oo isugu jira Askar iyo waliba dad rayid ah oo waddadaasi mashquulka badan marayay.
Halka uu qaraxu ka dhacay maanta oo ah goob halboole u ah isu socodka magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhow yihiin xarumo dowladeed oo ay Madaxtooyadu ka mid tahay ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ay bartilmaameed u aheyd qaraxyada ay geystaan kooxda Al-Shabaab.