Waxaa wali socda qul-qulka iyo socodka dheer ee dadka ay abaaruhu barakiyeen ku gaarayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka halkaas oo ay miciin bidayaan si ay uga helaan nolol. Qoysas badan oo barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyo kuwo hor leh oo saacadihii la soo dhaafay gaaray muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay deeq cunno oo aruuriyeen dhalinyaro iskood isu xilqaamay.
Dhinaca kalana magaalada Baydhabo waxaa gaaray barakacayaal hor leh oo ka tagay degaano ku yaala gobolada Bay iyo Shabeelaha hoose, kuwaasoo muddo 15 maalmood ah waddada ku soo jiray si ay u gaaraan meel ay ka heli karaan gargaar cuno ah.