Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain oo Booqday Soomaaliya


Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Boris Johnson ayaa maanta socdaal aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Johnson ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu kadib madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo xoghayaha arrimaha dibedda ayaa ka hadlay arrimo ay mid yihiin gargaarka loo fidinayo dadka abaaraha ay saameeyeen ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Britain ayaa gargaar u codsaneysa abaaraha ka jira Soomaaliya. Arbacadii ayaa Britain waxa ay sheegtay inay bixin doonta lacag la mid ah shanta milyan ee gini ee ugu horreysa ee shacabka Soomaaliyeed ay ku deeqaan abaaraha Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

XS
SM
MD
LG