Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad u Dhimanaya Cuduro Abaarta ka Dhashay


Hawlwadeeno caafimaad ayaa shalay booqday degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, oo xaalad bani'aadannimo oo liidata ay ka jirto.

Hawlwadeenadan oo dayuurad ka qaatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo arkaan xaalad daran oo halkaas ka jirta. Waxay sheegeen in maalin walba ay dad u dhintaan cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodku.

Dhinaca kalena, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 17 milyan oo qof ay gaajo ku hayso sagaal waddan. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageero u fidiyana waddamada Bariga Afrika.

Dhageyso Abaaraha Bakool
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:01 0:00

XS
SM
MD
LG