WASHINGTON. DC —
Dalka South Africa waxaa sii kordhaya dilalka loo geysanayo dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidana ka mid tahay.
Bishaan gudaheeda ayaa waxaa meelo kala duwan oo dalkaasi ah lagu dilay dad Soomaali ah.
Dilalkan sii kordhaya ayaan ka waraysanay Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow.
Maxamed Cabdi Sandheere ayaa kula xiriiray khadka telefoonka ee Muqdishu, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey waxa uu ku macnayn lahaa bartilmaameedsigan dadka Soomaalida ah loo gaysanayo.