Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Cali Kheyre oo loo Magacaabay Ra’isul Wasaare


Xasan Cali Kheyre
Xasan Cali Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Xasan Cali Kheyre uu u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xassan Cali Khayre ayaa waxa uu muddo ku noolaa dalka Norway, wuxuuna lasoo shaqeeyey Hey’adda qaxootiga dalka Norway NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu madax kasoo noqday.

Waxa uu sidoo kale saami yar ku leeyahay shirkadda Soma Oil and Gas, isaga oo ahaa agaasimaha fulinta shirkaddaas ee Africa.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamec Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo R/W magacaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG