Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxii Muqdisho oo Korortay


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalaada Muqdisho ayaa sheegaya inay korodhay tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaalada oo ay haatan gaadhayso 39 qof.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxaasi ay u badan yihiin dad rayid ah oo ku noolaa xaafadda Kaawo Goday ee degmada Wadajir.

Dhinaca kalena madaxweynaha Soomaaliya ayaa abaalmarin dhan 100 kun oo dollar u ballanqaaday ciddii soo sheegtay baabuurta ay qaraxyadu ku rakiban yihiin inta aysan qarxin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkii hore ay 900 qof oo rayid ah ay ku dhinteen qaraxyada Al-Sahabab ay geysteen.

XS
SM
MD
LG