Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayo 47-sano guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Asluubta.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda iyo baarlamanka Soomaaliya oo ka mid yahay guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo taliyeyaasha ciidamada.
Wariyeheenna Cabdul Qaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Muqdisho.