Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Badan oo ku Dhintay Qaraxa Muqdisho


خیبر پختونخوا کے دیہات میں اب بھی لوگ خوشی، غمی کے مواقعوں پر 'حجروں' میں جمع ہوتے ہیں
خیبر پختونخوا کے دیہات میں اب بھی لوگ خوشی، غمی کے مواقعوں پر 'حجروں' میں جمع ہوتے ہیں

In kabadan 35 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla degamada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay suuq u dhow isgoyska Kaawo-Goday ee degmada Wadajir, dadka dhintay waxay u badan yihiin rayid isugu jira caruur iyo dumar iyo waliba askar dowladda ka tirsan.

Cidna wali ma sheegan mas’uliyadda qaraxan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa canbaareeyey weerarka oo u ku sheegay inuu caddeyn u yahay sida uu hadalka u dhigay “Bahalnimada al-Shabaab”

Farmaajo ayaa ku baaqay in shacabka iyo ciidankuba u midoobaan ka hortaga al-Shabaab

Qaraxan maanta ayaa dhacay, saacaddo yar kadib markii ururka al-Shabaab uu canbaareeyaydoorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahai Farjaamo.

Sheekh Xasan Yacquub oo ah Sarkaal ka tirsan al-Shabaab ayaa madaxweynaha Somalia ku tilmaamay inuu yahay qof “riddo ah” oo diinta Islaamka ka baxay, wuxuuna Soomaalida uga digay inay taageeraan.

Warbixino ku saabsan Qarax Muqdisho ka Dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:21 0:00

XS
SM
MD
LG