Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kay: Deg Deg Ha Loo Gargaaro Soomaaliya


Nicholas Kay
Nicholas Kay

Digniin uu arbacadii soo saaray ergeyga Britain u qaabilsan Geeska Afrika, Nicholas Kay ayaa uu ku sheegay in Kumanaan qof oo Soomaali ah laga yaabo inay dhintaan ama ay qarka u saran yihiin geeri haddii aan ka hor bisha May la qaadin tallaabo deg deg ah oo lagaga jawaabayo khatarta macaluusha.

Nicholas Kay ayaa sheegay isagoo u waramaya koox wariyryaal ah in Britain ay si xoogan u daneenayso digniinta macaluusha ka taagan dalka Somalia.

Soomaaliya oo macluul tan oo kale ah waajahday sanadihii 2010 iyo 2011 ayaa haatan la tacaalaysa abaar baahsan oo markii u horaysay la shaaciyay bishii August ee sanadkii 2015. Xafiiska baniiaadminimada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 5 million oo qof ay u baahna yihiin gargaar bani’aadannimo.

Shabakada ka sii digta macaluusha ayaa bishan horaanteedii ka digtay in ku dhawaad saddex milyan oo Soomaaliya ku sugan ay wajaheen dhibaato iyo baahi degdeg ah oo dhinaca cuntada ah xili ay haystaan cunto kooban.

Shabakadan oo ay billowday wakaalada horeumarinta caalamiga ah ee Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in 363 kun oo caruur ah ay macluul xoogan hayso una baahn yihiin inay helaan daaweyn iyo nafaqayn deg deg ah, Kuwaasi oo ay ku jiraan 71 kun oo si xoogan nafaqo darro u hayso .

Dawladda Britain ayaa Somaaliya u diyaarinaysa shir bisha May lagu qabanayo London,kaasi oo lagu raadinayo xasilooni iyo nabadgalyo muddo ka hanaqaadda dalka, laakiin Kay ayaa sheegay in deg deg tallaabo loo qaado.

XS
SM
MD
LG