Isku xirrada

Jangali: Maamulka Hawada Waa Lasoo Wareejinayaa


Xafiiska laga maamulo hawada Soomaaliya

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa sheegay in dhowaan adeegga maamulka hawada Soomaliya loo soo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulan laba maalmood soconaya oo ay leeyihiin masuuliyiinta adeegga duulista caalamiga ah oo ka kala socda waddamo gaaray ilaa 36.

Jangali ayaa sheegay in la diyaariyey dhamaan qalabka ay u baahan yihiin in howsha ay si rasmi ah ula wareegaan, balse ay jiraan howlo yar yar oo wali harsan.

Wasiirka waxa uu khadka talefoonka ee Montreal ugu warramay weriyaheena Caasho Ibrahim Aadan.

XS
SM
MD
LG