Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xafiiska madaxtooyada ugala wareegay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo, ayaa xafiiska loogu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, oo sidoo kale uu maanta si rasmi ah ugu guuray, isaga oo tan iyo markii la doortay degenaa hotelka Jazeera ee Muqdisho.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Farmaajo kusoo dhaweeyey madaxtooyada, isaga oo sidoo kale ku wareejiyey qalab badan oo ka mid ah kuwii yaalla madaxtrooyada.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin isugu jira taliyaasha ciidamada, xildhibaano iyo xubno kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro munaasabad 22-ka bishan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa madaxweyne la doortay sidededii bishan, markaasi oo sidoo kale isla goobtii doorashada lagu dhaariyey.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan kasoo diray Muqdisho.