Magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa caawa lagu dilay nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Muuse Maxamuud Rooble, sida ay VOA u sheegeen dad goobjoogayala ah.
Wararka aanu ka helany magaalada ayaa sheegaya in nabadoonka oo loo yaqiin Muuse Ilko Weyne, islamarkaana ahaa 70 jir ay weerareen oo ay toogteen rag ku hubaysan bastoolado oo rasaas ku dhuftay.
Wararku waxa ay sheegayaan in raggii weerarkaas gaystay ay meesha ka baxsadeen.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Wadajir ee magaalada Muqdisho