Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duulimaadyada Muqdisho oo la Hakinayo 22-ka Bishan


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mar kale la hakinayo duulimaadyada ka baxaya ama soo degaya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Hakintan oo dhici doonta maalinta Arbacada ee 22-ka bishan ayaa waxa ay la xiriritaa caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabadda caaleemo saarka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin Soomaali ah iyo kuwa ka socda qaar ka mid ah dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Waa markii labaad ee duulimaadyada la hakiyo, iyadoo siddeedii bishan ay dawladdu qaaday talaabadabn oo kale, markii ay dhaceysay doorashada madaxweynaha.

Maxamed Cabdi Sandheere ayaa arrintan ka wareystay wasiiru dowlaha duulista hawada Soomaaliya Maxamed Isaaq Cusman.

Duulimaadyada Muqdisho oo la hakinayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG