Markaste oo uu is baddal siyaasadeed dhaco, waxa suuragal ah in uu saameyn ku yeesho dhaqaalaha dalka uu is baddalkaasi siyaasadeed ka dhacay. Soomaaliya, dhawaan waxa kor u kacay qiimaha lacagta shilnka Soomaaliga, kadib markii la doortay madaxweyne cusub oo hoggaamin doona dowladda Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
Is baddalka qiimaha lacageed, waxaa uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ee lacagaha dibadaha looga soo diro, maaddama, maciishaddii aysan waxba iska baddalin, oo doolarkii uun qiimihiisa uu hoos u dhacay.
Haddaba, waa maxay sababta ay arrimahaasi u dhacaan? Waxa su’aalahaasi iyo kuwa kale ka jawaabi doona dhaqaale-yahan Xasan Aadan Hoosow, oo ka tirsan wasaaradda batroolka dalka Kanada. Isagoo Alberta jooga, ayuu Jamaal Axmed Cismaan la hadlay.