Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay duleedka koonfureed ee garoonka diyaaradaha ee Boosaaso marxuum Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Jeneral Cadde), madaxweynihii hore ee Puntland.
Meydka Gen. Cadde ayaa saakey laga soo qaadey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu ku geeriyoodey.
Waxaa aaka ka qeyb galay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenka Cabdi Weli Gaas iyo Cabdixakiim Camey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madax kale.
Warbixintan waxaa magaalada Boosaaso ka soo dirtay wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac