Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha Caalamka oo Soo Dhoweysay Doorashada Farmaajo


Doorashada Farmaajo
Doorashada Farmaajo

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyagoo uga mahadnaqaya guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] uga mahadcelinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la iskugu wareejiyo”

Waxaa qoraalka lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale [oo dalka ka dhacda]”

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dalka ka jira.

XS
SM
MD
LG