Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lammaane Caawiyey Dadkii laga Xannibay Maraykanka


Tan iyo markii madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump uu soo saaray amarka fulineed ee uu ku xannibayey socotada ka soo jeedda illaa toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, waxaa arrintani saamayn ku yeelatay dad badan oo haystay dal-ku-gal ama deganaanshaha Maraykanka oo debedda ku maqnaa.

Qaarkood waxaa lagu xannibay garoomo diyaaradeed oo ay ka mid yihiin kan Nairobi, Hargeisa iyo Addisababa, ka dib markii diyaaraduhu u diideen inay soo qaadaan.

Haddaba Qoys dhalinyaro ah, waa Deeq Guure iyo xaaskiisa Safiya Caydiid, oo kala jooga Hargeisa iyo Addisababa waxay caawiyeen illaa 20 qof oo ka mida dadka doonayey inay Maraykan u soo safraan iyaga badankoodu ay haatan Maraykan soo gaadheen.

Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka Telefoonka ee Hargeisa kula xidhiidhay Deeq Guure oo weydiiyey waxa ay dadkan u qabteen.

Waraysiga Deeq Guure
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:56 0:00


XS
SM
MD
LG