Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duulimaadyada Muqdisho oo La Hakiyey Arbacada


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyey duulimaadyadii iman lahaa ama ka tagi lahaa magaalada Muqdisho, maalinta Arbacada ah ee 8-da bisha Febraayo 2017-ka.

Wararka aanu ka helnay mas'uuliyinta garoonka ayaa sheegaya in duulimaadyada loo hakiyey doorashada ka dhacaysa gudaha garoonka maalinta Arbacada ah darteed.

Wasirika Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali oo ay la xiriirtay idaacadda VOA ayaa sheegay in la hakiyey duulaamaadyada "saacado kooban" maalinta arbacada ah.

Amniga ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey maalintaas, iyadoo waddooyinka la xiray islamakaana la joojiyey socodka baabuurta aan wadanin fasaxa gaarka ah siiba kuwa amniga sugaya.

Doorashada madaxtinnimada ee dhacaysa maalintaas ayaa waxaa ka qayb galaya 23 musharrax waxaana u codayn doona 329-ka mudane ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG