Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Gowracay Jamaame


Shabaab
Shabaab

Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab muddo aad u dheer ayaa lagu diley 4 qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Dadkan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeysay in-ay u jaajuusayeen dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Degmada Jamaame oo aan la xariirney ayaa nalooga xaqiijiyey in falkan uu ka dhacay meel fagaaro ah. Sidoo kale, maamulka Jubbaland waxay sheegeen in ay falkan dadka loo geystey ay ahayeen dad rayid ah.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xariirtey, Axmed Carab Maxamuud Maxamed (Sayid Carab), oo ah afahyeenka ciidamada Jubaland, waxeyna ugu horeyntii waydiisey sida ay ku maqleen falkan markii uu dhacay?

Al-Shabaab oo Gowracay Afar Qof
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00


XS
SM
MD
LG