Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Somalia oo Musuqa Lagala Dagaalmayo


Guddiga Anshaxa
Guddiga Anshaxa

Guddiga la dagaalanka musuq maasuq lagu sameeyo doorashada madaxweynaha oo dhawaan uu magacaabay baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta qodobo dhowr ah ka soo saaray magaalada Muqdisho.

Qodobadaa ayaa waxaa ka mid ah ahaa inay xadidadyaan dhaqdhaqaaqa xarunta doorashada, ilaalinta xalaalnimada habka codeynta iyo inay sheegi doonaan xildhibaankii ay ku helaan inuu laaluush ku iibsaday codkiisa.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan tuhunno ku saabsan in musharaxiinta qaar ay lacag u yaboohayaan codadka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa arrintan ka wareystay gudoomiyaha guddigan Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Wareysi: Cabdi Ismaaciil Samatar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG