Isku xirrada

Xarunta Doorashada oo Afisyooni Loo Baddalay


Magaalada Muqdishu waxaa la baddalay xarrunta lagu qabanayo doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo markii hore la qorsheeyay in ay ka dhacdo Akadamiyada Booliiska ee Muqdishu.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa VOA u sheegey in doorashada ay ka dhici doonto xarrunta Afisyooni ee Muqdisho.

Beyle, ayaa sheegey ay 18 ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada aya dalbadeen in goobta laga baddalo doorashada halka lagu qabanaayo.

Idaacadda VOA ay xaqiijisay in qaar ka mid ah musharrixiinta ay jeediyeen walaac ku aaddan in doorashada lagu qabto akadamiyada booliiska. Walaaca ayaa la sheegay inuu la xiriiray dhinaca amniga iyo musuqmaasuqaa.

Saraakiil ka agdhow guddoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa VOA u sheegay in fikradaha lasoo jeediyey ay u badan tahay in lagu qaban doono xerada ciidamada cirka Afisyoone ee garoonka diyaaradaha.


XS
SM
MD
LG