Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Banaanbax Lagu Taageeray Go'aankii ICJ


Bannaanbax lagu taageerayo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ay shalay ku go’aamisay inay xaqu u leedahay qaadista dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Ayada oo la jirsatay Soomaaliya, ayaa shalay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxay diiday doodii Kenya ee ahayd in heshiiska u dhaxeeya labada dal uu ka dhigan yahay in muranka u dhaxeeya ay ku xaliyaan meel ka baxsan maxkamadda.

Xukunkan ayaa waxa uu macnihiisu yahay in kiiska soohidna badda ee ay maxkamadda geysay Soomaaliya kana dhanka ah Kenya uu sii socon karo, taasi oo ah hanaan sanado badan qaadan kara.

Go’aankaasi waxaa sidoo kale soo dhoweeyey siyaasiyiinta Soomaaliya. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo durtay Seynab Abukar.

Banaanbax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00

XS
SM
MD
LG