Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garsoore si KMG u Joojisay Amarka Trump ee Qaxootiga


Maxkamad federaali ah ayaa soo faragalisay amarkii madaxweyne Donald Trump ee ku saabsanaa hakinta dadka muhaajiriinta ah ee imanaya Maraykanka ee u dhashay toddoba waddan iyo qaar ka mida dadka haysta degenaanshaha rasmiga ah ee dalalkaas u dhashay.

Garsoore ku sugan magaalada New York ayaa soo saartay amar deg deg ah oo si ku meel gaar ah u hor-joogsanaya in lamasaafuriyo dadka lagu xanibay garoomada ka dib marka ay ka soo dagaan garoonka iyagoo sita dal ku gal aan dhicin.

Tan iyo markii uu dhaqan galay amarkani ayaa garoomada lagu xannibay dad badan oo ka soo laabtay dalka dibadiisa, taasina waxay keentay in qaar ka mida garoomada diyaaradaha inay ka dhacaan isu-soo baxyo kaala duwani.

XS
SM
MD
LG