Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan gobolka Bari ee Puntland si uu u soo eego baaxadda abaarta iyo dadka ay saameeysay.
Gaas ayaa si gaar ah u tagay tuulooyin iyo degaanno hoostega degmadda iskushuban ee gobolka Bari.
Wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Cabdiwali Gaas wax ka weydiiyay baaxadda Abaarta Puntland iyo waxa uu ku soo arkay booqashadiisa.