Isku xirrada

Muqdisho: Musharaxiinta oo Is-diiwaangelinaya


Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynenimada ee dhacaya horaanta bisha soo socota ee Febaraayo.

Diiwaangelinta murashixiinta ayaa si rasmi ah saakay uga bilaabatay xarunta Villa Hargeysa, waxaana guddigu sheegeen in murasharixii ugu horreeyay ee gudbiyay arjigiisa murashaxnimo uu noqday madaxweynihi hore ee Shariif Sheekh Axmed.

Sida ku xussan jadwalka doorashada waxey diiwaangelintu socon doontaa ilaa iyo 29-ka bishan Janaayo.

Sahra Cabdi Axmed ayaa arintan ka wareysatay, wariyeheenna magaalada Muqdisho Seynab Abukar Maxamed oo tagtay goobta ay diiwaangelintu ka socoto.


XS
SM
MD
LG