Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Dib u Qabsaday Badhaadhe


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay maanta barqadii dib ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada Kenya ee Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi la wareegay maalintii talaadada.

Goobjoogayaal ku suggan degmada Badhaadhe ayaa VOA u xaqiijiyay ka bixitaanka ciidamada is garabsanaya ee degmada Badhaadhe.

Sidoo kale Faarax Heybe oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay isaga soo baxeen degmada Badhaadhe.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta ay ciidamada uga baxeen degmada Badhaadhe, mana ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay baneeyaan magaalo ay kala wareegaan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, duqeyn subaxnimadii Talaada ee la soo dhaafay ka dhacday degmada Badhaadhe ayaa la sheegay inay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Ilaa afar ruux oo isugu jira haween, caruur iyo dad da' ah oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaaada Kismaayo.

XS
SM
MD
LG