Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Guddoomiyihii Sariflayaasha oo Geeriyooday


Isu soo bax ganacsi
Isu soo bax ganacsi

Guddoomiyihii ganacsatada isku beddelka lacagaha ee Hargeysa oo ka mid ahaa 6 qof oo ganacsatadaas ka mid ah oo shalay lagu xidhay magaaladaas Cabdillaahi Cali Barre ayaa maanta geeriyooday.

Inkastoo aanay ciidammada ammaanku ka hadal sababta dhimashadiisa, siday VOA u sheegeen hawlwadeennada caafimaadka iyo qaar ka mid ah ganacsatadii uu guddoomiyaha u ahaa, marxuumka ayaa isagoo buka laga soo qaaday Saldhigga Booliis ee uu ku xidhnaa, waxaanu geeriyooday markii Cusbitalka la geeyay.

Masuuliyiinta ay arrintani khusayso oo aannu isku daynay inaanu wax ka waydiino nooma suurtogelin.

XS
SM
MD
LG