Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab Maanta ka Kacay Suuqa Bakaaraha


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta duhurnimadii uu dab xooggan ka kacay qeyb ka mid ah suuqa ugu weyn Somalia ee Bakaaraha.

Goob joogayaasha ayaa VOA-da u sheegay in dabku uu ka billowday mid ka mid ah Makhaayadaha ku yaalla inta u dhaxeysa suuqa sarifka iyo qeybta Timirta lagu iibiyo, kadibna uu ku fiday bakhaaro kale oo ka ag dhow.

Dabkan ayaa ku soo beegmay xilli ay dabeylo ka jiraan Magaalada.

Ganacsatada ayaa ka cabsi qaba inuu ku faafo qeybaha kale ee suuqa.

Gaadiidaka Gurmadka dab demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo ay leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee Muqdisho, ayaa isku dayaya inay xakameeyaan dabka oo uusan faafin.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah ee uu dabkaasi ka dhashay, lamana soo sheegay wax khasaara nafeed ah oo uu geystay.

XS
SM
MD
LG